- September 7, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 7 Sep 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa soo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda ee degmada Boondheere halkaas uu dib u dhis ka socdo.
Wasiir Cali Xoosh oo uu wehliyo Agaasimaha Guud mudane Caydaruus Macallin Xasan ayaa soo indho-indheeyey heerka howsha dhismaha oo haatan gebogabo ah, iyaga oo Injineerrada iyo howlwadeennada kale ee ka shaqaynaya dhismaha ka dhageystay warbixin la xiriirta shaqada socota iyo inta dhiman.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh ayaa faray in la dardargaliyo howsha dhismaha si ay dhawaan ugu howlgasho Wasaaradda, isla maarkana loogu adeego qaranka.