- September 4, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 04 Sep 2025; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho kadib labo bil oo uu howl qaran oo maamul dhismo ah ugu shaqeynayay magaalada Laascaanood.
Mudane wasiir Cali Xoosh ayaa inta uu joogay Laascaanood ku guuleystay dhismaha Dowlad Goboleedka waqooyi Bari Soomaaliya oo dhameystirka hannaankaasi loo xilsaaray, hormuudna ka ahayd Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh iyo wafdiga la socday oo goleyaasha dowladda federalka ahaa ayaa waxaa soo dhoweyn iyo maamuus loogu sameeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyada oo uu halkaas kusoo dhowewyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ahaa waxaa garoonka.