- September 3, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Kulamada, SSC khatuma, Wararka
No Comments

Laascaanood 03 Sep 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha ka dib munaasabad ka dhacday Magaalada Laascaanood ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Wasiir Cali Xoosh ayaa kula dardaarmay shacabka ku nool Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari in ay is diwaangalinayaan si ay uga qaybgaataan doorashooyinka qof iyo cod.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed Aw-cali, Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Senator Cabdullaahi Timacadde, Wasiirro ka iyo Xildhibaanno ka tirsan DFS ayaa iska diiwaangaliyay goobta.