Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Qaybgalay Daahfurka Diwaangalinta Cod-bixiyayaasha

Laascaanood 02 Sep 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa magaalada Laascaanood uga qaybgalay Munaasabad lagu Daahfuray Diwaangalinta Cod-bixiyayaasha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Ugu horreyn Wasiirka oo ka hadlay Munaasabadda ayaa yiri” Caawo waa habeen taariikhi ah, xasuus gaar ahna yeelanaya. Muddo dheer kadib, waxaynu caawo magaaladda Laascaanood ka daahfureynaa diyaar garowga qabashadda doorashooyin toos ah, ayna ugu horeyso qabashadda shaqadda ah diiwaan gelinta codbixiyayaasha, waa bilowga in taladda lagu celiyo shacabka Soomaaliyeed.”

Wasiir Cali Xoosh ayaa tibaaxay in Doorashadu ay ka mid tahay xuquuqda Dastuuriga, isagoo yiri “ Doorashadu waa xuquuq dastuuri ah oo ay farayaan Dastuurka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Dastuurka Dowlad Goboleedka
Waqooyi Bari. Xuquuqdan dastuuriga ahi waa tiir muhiim u ah xaqiijinta caddaaladda siyaasadda, matalaadda shacabka iyo dhismaha dowladnimo hufan oo ay bulshada leedahay.”

Ugu Dambeyn, Wasiir Cali Xoosh ayaa ugu baaqay shacabka in ay ka qaybgalayaan Diwaangalinta, wuxuuna yiri” Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka in ay si buuxda uga qayb qaataan diiwaangelinta codbixiyaha, isla markaana ay muujiyaan masuuliyadda ka dhalata xaqa codkooda. Tani waa tallaabo lagu xaqiijinayo in talada iyo maamulka deegaanka ay gacanta ku hayaan dadka deegaanka.”