Doorashada Madaxweynaha Waqooyi Bari Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Lagu Qabtay Laascaanood

Laascaanood 30 Aug 2025; Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa Madxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya u doortay Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

Doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa waxaa wareegga labaad u gudbay Mudanayaasha kala ah Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa wareegga labaad helay 18 halka uu Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) helay 62 cod, isagoo noqday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee 5-ta sano soo socota.

Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sidoo kale loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya 5-ta sano ee soo socota.