Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo RW Xamse U Gudbisay Waxqabadkeeda

Muqdisho Aug 20, 2025; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta waxqabadka iyo guulaha Wasaaradda ee sanadkii tagay ka dhageystay hoggaanka Wasaaradda iyo hey’adaha hoosyimaada oo uu ugu horreeyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Sadad Alio uuna wehlinayo Wasiir kuxigeenka mudane Abdihakim Ashkir ayna qeyb ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Waaaaradda mudane Caydaruus Macalin Xasan iyo hoggaanka hey’adaha kala duwan.

Howlaha hortabinta leh ee Wasaaradda iyo hey’adaheeda ay hordhigeen oo muhiim u ahaa dowlad-dhiska, laguna guuleystay in la xaqiijiyo hiigsigooda waxaa ugu waaweynaa; shuruucda doorashooyinka iyo dhismaha guddiga doorashada, baahinta federaaleynta iyo maamulka dowladaha hoose, Dhab u heshiinta, Xasillinta, Maareynta Musiibooyinka, Aqoonsiga Qaranka, Dad-dhigista, xalwaara u helidda Qaxootiga iyo Barakacayaasha, horumarinta reer miyiga iyo xalkawaara iyo Arrimo kale.