- August 18, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Kulamada, SSC khatuma, Wararka
No Comments

Laascaanood Aug18, 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali (Xoosh) ayaa kaqeybgalay, khudbadna kajeediyey kulanka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh ayaa bogaadin iyo dardaaran u jeediyay Xubnaha Golaha oo yeeshay kulanka 2-aad Kal-fadhigiisa 1-aad isaga oo kula dardaarmay in ay waajibkooda u taagan si waafaqsan Dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya, isla markaana ay dardargeliyaan howlaha dhiman.