Kulanka Bahdwadaagta Hagaha Waxbarashada Nabadda

Muqdisho Aug 14, 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Caydaruus Macalin Xasan ayaa guddoomiyey kulanka Bah-wadaagta horumarinta hagaha waxbarashada Nabadda.

Kulanka oo ay si wadajir ah usoo agaasimeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta (MOIFAR) iyo Wasaaradda Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare, waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka kala socday Dowlad-Goboleedyada, jaamacadaha madaxbanaan ee dalka, culimada, ururrada bulshada, iyo bah-wadaagta horumarinta waxbarashada.

Doodo koxeedyo iyo bandhigyo mirodhal ah ahaa kadib waxaa lagu ansixinaayey Hagaha Waxbarashada Waxbarashada Nabadda (Peace Education Framework).