Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Qabatay Kulan Lagu soo Bandhigay Cilmi Baaris

Muqdisho 05 Aug 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Caydaruus Macallin Xasan ayaa shir guddoomiyey kulan fogaan arag ah oo ay sidoo kale ka qeybgaleen hey’adaha SSF, SeeD, Build Up iyo Dhaxal Reeb kaas oo lagu soo bandhigay Cilmibaaris laga sameeyey 6 degmo oo ka mid ah dalka ee Barnaamijka Heshiisbeeg, laguna ogaanayey qaab caloolfayoobida bulshada dhexdeeda ah.

Kaqeybgalayaasha ayaa sidoo kale ka dooday bandhigga iyo natiijada. waxaana la uruuriyey talooyin la filayo in lagu hormariyo.