Wasiir Cali Xoosh Oo Kulan La Qaatay Guddiga Farsamo Ee Dhameystirka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya

Laascaanood Aug 03, 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan la qaatay Guddiga Farsamada ee Dhameystirka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira arrimaha Dowlad Goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya iyo howlaha hortabinta leh ee harsan.

Wasiir Cali Xoosh ayaa faray Guddiga in howlaha harsan loo dardargaliyo si hufan oo loo dhanyahay, si loo xaqiijiyo in Dowlad Goboleedka cusub uu yeesho saldhig adag, sharciyad bulsho iyo hannaanka dawladeed oo sugan.