Wasiir Cali Xoosh Oo Kulamo La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Beelaha Daga SSC-Khaatumo

Laascaanood Agoosto 2, 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulamo Wadatashi ah la qaatay hoggaanka dhaqanka iyo waxgaradka qaad ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega SSC-Khaatumo.

Kulamdaan ayaa diiradda lagu saaray dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, ilaalinta Wadajirka iyo Midnimada bulshada iyo arrimo kale.