Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Qeybgalay Munaasabadda Lagu Maamusay Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari

Laascaanood Aug 1, 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa magaalada Laascaanood uga qeybgalay Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayey Shirweynaha lagu dhameystirayo Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay Masuuliyiinta labada heer ee dowladda Federaalka ah, Ergooyinka Iyo Guddiyada ka shaqeynayay Shirweynaha.