- July 30, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Kulamada, SSC khatuma, Wararka

Laascaanood 30, Jul 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali (Xoosh) ayaa si rasmi usoo xiray Shirweynaha Ergooyinka oo wejigaan 2-aad ku guuleystay Ansixinta Dastuurka Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya.
Khudbad kooban oo uu halkaas kajeediyey Wasiir Cali Xoosh waxaa uu ku dheeraadey dedaallada laga maray Dastuurka la anisiyey
“𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐡𝐚𝐥𝐤𝐚𝐧 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡 𝐚𝐲𝐮𝐮 𝐮 𝐥𝐞𝐞𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲, 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐛𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐣𝐮𝐡𝐝𝐢 𝐥𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐧𝐚𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐧 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐲𝐨-𝐚𝐫𝐚𝐠𝐧𝐢𝐦𝐨. 𝐖𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐢𝐟𝐭𝐢𝐢𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐢𝐝𝐚 𝐪𝐢𝐲𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐝𝐢𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐦𝐚𝐛𝐝𝐚’𝐚 𝐝𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐢𝐬𝐮𝐠𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐫𝐚𝐚𝐧, 𝐖𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐨𝐨 𝐭𝐨𝐨𝐬𝐢𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐮𝐰𝐚 𝐬𝐢𝐝𝐚 𝐤𝐡𝐚𝐥𝐝𝐚𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐡𝐦𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐮 𝐝𝐞𝐣𝐢𝐬𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐫𝐭𝐨 𝐱𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫 𝐚𝐲 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐧𝐚𝐡𝐞𝐞𝐝𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐭𝐨 𝐢𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐫𝐚𝐚𝐜𝐚𝐲𝐨 𝐣𝐢𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐮𝐮 𝐈𝐥𝐚𝐚𝐡𝐞𝐲 𝐧𝐨𝐨 𝐣𝐢𝐝𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲” , ayaa ka mid ahaa khudbadda wasiirka.