- July 22, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Kulamada, SSC khatuma, Wararka

Laascaanood 22 Jul 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa hoyga uu ka daganyahay maagaalada Laascaanood ku qaabilay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Iyo Xildhibaanno ka socda BFS.
Wasiiru Dowlaha Difaaca XFS Mudane Cumar Cabdi, Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax iyo Xildhibaannada ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Wasiir Cali (Xoosh) ku bogaadiyay dedaalladiisa ku aaddan geeddi socodka Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xidlhibaan Cali (Xoosh) ayaa uga mahadceliyay booqashada ay kusoo gaareen xubnaha ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo adkeeyay in ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS dhamaystirayso Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.