- July 21, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Kulamada, SSC khatuma, Wararka
No Comments

Laascaanood 21 Jul 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Ergooyinka ee Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xidlhibaan Cali Xoosh ayaa kula dardaarmay ergooyinka in ay waajibkooda u gutaan si waafaqsan shuruucda dalka, iyadoo la tixgalinaayo wadajirka Bulshada iyo ilaalinta midnimada.
Ugu Dambeyn, Wasiir Cali Xoosh ayaa u mahadceliyay Guddiyada ka shaqeynaya geeddi dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.