- July 19, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Kulamada, SSC khatuma, Wararka

Laascaanood 19 Jul 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo howlo Qaran u jooga magaalada Laascaanood ayaa kormeer ku sameeyay Xarunta Guddiga Farsamo ee Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo halkaas oo ay ka socoto Diiwaangalinta Ergada.
Wasiir Cali Xoosh ayaa bogaadiyay howlaha wax ku oolka ah oo ay hayaan Guddiga Farsamo, isagoo faray dardargalinta Diiwaangalinta Ergooyinka si guulo looga gaaro Geeddiga Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.
Intaasi ka dib, Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa waqti la qaatay qaar ka mid ah Ergada iyo shacabka magaalada Laascaanood, iyagoo Wasiirka la wadaagay rabitaankooda ku aaddan Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.