Wasiir Cali Xoosh Oo Gaaray SSC-Khaatumo

Laascaanood 10 Jul 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa socdaal shaqo ku gaaray magaalada Laascaanood ee Xarunta Maamulka SSC-Khaatumo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha SSC Khaatumo, Duqa magaalada Laascaanood iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Laascaanood.

Intaasi ka dib, Wafdiga Wasiirka waxaa loo sii gudbiyay qasriga Madaxtooyada SSC-Khaatumo halkaasi uu kusoo dhaweeyay hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Maamulka SSC-Khaatumo.