- July 9, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 09 Jul 2025; Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa si rasmi ah u furay Kulanka lagu soo bandhigayo warbixinta qiimayn ay UNDP ku samaysay kaabayaasha dhijitaalka dowliga ah ee Soomaaliya iyo ansixinta Istaraatiijiyadda Hay’adda NIRA ee 2025–2029.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane cabdixakiin Ashkir oo ka hadlay furitaanka kulanka ayaa hoosta ka xarriiqay ahmiyadda aqoonsiga, isagoo yiri “Aqoonsiga qaranka oo dhijitaal laga dhigo wuxuu door muhiim ah ka qaadanayaa kobaca dhaqaalaha, sugidda amniga, iyo kor u qaadista sumcadda dalkeenna. Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa ka go’an taageeridda dadaallada lagu horumarinayo awoodda Hay’adda NIRA.”
Kulankan oo socan doona muddo laba maalin ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay madax ka socotay UNDP Somalia, UNDP Malawi, WFP, IOM, wasaarado, hay’ado kala duwan oo ka tirsan dowladda, madax ka socotay dowlad-goboleedyada dalka, iyo bulshada rayidka ah.