- July 3, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Galmudug, Kulamada, Wararka
No Comments

Galmudug 03 Jul 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xasan ayaa kormeer shaqo ku tagay magaalada Baxdo ee Dowlad Goboleedka Galmudug, iyadoo ay halkaas kusoo dhaweeyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Mudane Cumar Guure iyo Guddoomiyaha Baxdo Mudane Maxamed Cabdullaahi.
Kormeerka Agaasimaha ayaa ku qotamay qiimeynta dedaallada lagu bixiyay xoojinta nabadda, horamarinta Dowladaha Hoose, waxqabadka arrimaha Xasilinta iyo soo kabashada.
Sidoo kale, Agaasimaha ayaa la kulmay maamulka Baxdo iyo Dadka deegaanka si uu ugala hadlo arrimaha xoojinta Dowlad Wanaagga iyo baahiyaha ka jira Baxdo.