Wasiir Cali Xoosh Oo Furau Kulanka Isbedalka Cimillada

Muqdisho 30 Jun 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada.

Kulanka ay soo qabanqabisay Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga Iyo Xalka Waara ayaa waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Xarunta Marwo Zahra Cabdi, Ku Xigeenka Agaasimaha Dr. Abdullaahi Zaahid, Hay’adaha Dowladda Iyo Saaxibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera Mashruuca.