- June 26, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 26 Jun 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka qaybgalay Munaasabadda Ubax dhigga Taallada Dhagax-tuur.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiekh Maxamuud ayaa Ubax Dhigay taallada Dhagaxtuur, taaso oo qayb ka ah Maamuuska Munaasabadaha 26-ka Juun.
Munaasabadda Ubax Dhigga waxaa ka qaybgalay Wasiirrada Xubnaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyaha Booliska, Masuuliyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.