Kormeerka Wasiir Cali Xoosh

Muqdisho 23 Jun 2025: Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan Xubnaha Wasiirrada ee Guddiga ka tirsan ayaa kormeeray Ciidamada ka qaybgalaya Dabbaal-dagga Maalmaha Xorriyadda.

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda ayaa kormeeray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan dugsiga Jeneraal Kaahiye halkaas oo lagu diyaariyay qaybaha kala duwan ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo Ciidamada Asluubta ee ka qaybgalaya Bandhigga Maalmaha Xorriyadda.

Guddiga ayaa sidoo kale kormeeray Daljirka Daahsoon oo ka mid ah goobaha lagu qabanayo Munaasabadaha Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada.