Munaasabadda Maalinta Qaxootiga Adduunka

Muqdisho 22 Jun 2025; Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow ayaa uga qeybgalay Caasimadda Muqdisho xuska maalinta Qaxootiga Adduunka kaasi oo ay soo agaasintay Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Mudane Wasiir Saadaad oo ka hadlay kulanka ayaa xusay ahmiyadda maalinkaan isaga oo adkeeyey sida Soomaaliya ay u garabtaagan tahay Qaxootiga iyo Magangalyo-doonka ku sugan gudaha Soomaaliya iyada oo ay dhaqangal yihiin xeerarkii ilaalin lahaa xuquuqdooda.

Waxaa kale oo uu u mahadceliyey hey’adaha caalamiga ee gacan ka geysta kaalmeynta howlaha wax loogu qabanayo Qaxootiga.