- June 16, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 16 Jun 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda ee degmada Boondheere halkaas uu dib u dhis ka socdo.
Mudane Xoosh oo ay wehliyeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow iyo Agaasimaha Guud mudane Caydaruus Macallim Xasan, ayaa soo indho-indheeyey heerka howsha dhismaha iyaga oo Injineerrada iyo howlwadeennada kale ee ka shaqaynaya dhismaha ka dhageystay warbixin la xiriirta shaqada socota iyo inta dhiman.
Dhankiisa, Wasiir Cali Xoosh ayaa faray in la dardargaliyo howsha dhismaha si ay dhawaan ugu howlgasho Wasaaradda, isla maarkana loogu adeego qaranka.