- June 14, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 18 Jun 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan la qaatay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Charles King.
Kulanka mirodhalka ah ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Xoosh iyo Danjire Charles ayaa looga hadlay arrimaha hortabinta u leh Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS iyo guud ahaan dowlad-dhiska Soomaaliya sida; Xasillinta, Dib u heshiisiinta, Doorashooyinka iyo qaar kale.
Labada dhinac waxay adkeeyeen kawada shaqeynta iyo iskaashiga waddooyinka lagu baahinayo Dimoqoraadiyadda, nabad-dhiska iyo Federaaleynta dalka si Soomaaliya u gaarto Horumar iyo Barwaaqo.