- June 14, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 17 Jun 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xildhibaan Saadaad Caliyow ayaa guddoomiyay kulan looga arrinsaday Ajandeyaasha hortabinta u leh Wasaaradda oo ugu muhiimsan yihiin Xeerarka, Siysaadaha, Habraacyada iyo guud ahaan howlaha kala duwan.
Sharciyaqaannada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa wasiirrada u jeediyay warbixinta la xiriirta qaabka loola jaanqaadi karo Qorshaha Isbadalka Qaranka.
Wasiir Cali Xoosh oo bogaadiyay shaqada ay qabteen hoggaanka iyo Howlwadeennada Wasaaradda ayaa faray in la dardargaliyo howlaha hortabinta u leh Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.