Kulanka Guddiga Maalmaha Xorriyadda Ee Wasaaradda Gaashaandhigga

Muqdisho 11 Jun 2025; Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Ali Yusuf Ali (Xoosh) ayaa Guddoomiyay Kulanka Guddiga qaban-gaabada xuska Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ee Sanadguurada 65aad ee 26-da Juun iyo 1-da Luulyo, kaasi oo ka dhacay Wasaaradda Gaashaandhigga

Kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda maalmahaan qaran, weyneyntooda, sidii looga xusi lahaa dal iyo dibad, iyo guud ahaan dardargelinta howlaha qabanqaabada Munaasabadahan ay qeyb ka yihiin hey’adaha Kala duwan ee dowladda.

Inta uu kulanku socday waxaa kale oo lasoo bandhigay jadwalka shaqo ee la fulin doono maalmaha soo socdo ay ugu muhiimsan yihiin; kulammo wacyigelin ah, falanqeynno iyo baahinta sheekooyin la xiriira taariikhda Gobannimo-doonka, xuska geesiyaashii soo halgamay, xoriyadda iyo guud ahaan dhaxalkii qarannimada.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Wasiirka Deegaanka XFS, Wasiirka Beeraha XFS, Wasiiru Dowlaha Amniga, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga,Saraakiil iyo Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradaha & Hay’adaha ka shaqaynaya qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda.