Golaha Shacabka Oo Meelmariyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

Muqdisho 24 May 2025; Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS ayaa maanta Ansxiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha oo ay u gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Saadaad Caliyoow ayaa uga mahadceliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS Ansixinta Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha.