- May 24, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 24 May 2025; Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansxiyay Hindise Sharciyeedka Dad-dhigista Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga oo ay u gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Saadaad Caliyoow ayaa uga mahadceliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS Ansixinta Hindise Sharciyeedka Dad-dhigista Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga.