- May 22, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 22 May 2025; Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Saadaad Maxamednuur Caliyow ayaa la kulmay qeybaha Bulshada Rayidka ah Soomaaliyeed iyada oo looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin; Wadashaqeynta labada dhinac iyo arrimo kale.
Kulankan oo uu sidoo kale qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macallin Xasan, ayaa lagu adkeeyey xoojinta xiriirka Wasaaradda iyo Bulshada Rayidka iyo sida ay muhiim ugu yihiin dowlad-dhiska.