Kulan Kooxeedka Farsamo Ee Xasilinta Iyo Soo Kabashada Hore

Muqdisho 21 May 2025; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa martigelisay shir looga hadlayay xoojinta howlaha xasillinta iyo dib-u-soo-kabashada kaas oo diiradda lagu saaray wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyeyaasha kale ee ku hawlan dadaallada xasillinta iyo dib u soo kabashada ee dalka.

Shirka waxaa ka qeyb galay hay’adaha dowladda, bahwadaagta caalamiga ah iyo daneeyayaal kale, iyadoo la isku weydaarsaday warbixinno, caqabado iyo fursado wada-shaqeyn.

Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay shaqadoodu la xiriirto arrimaha Xasilinta ayaa kusoo bandhigay Kulanka Kooxda Farsamada ee Xasillinta iyo Soo-kabashada Hore waxyaabaha uga qabsoomay Xasilinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Mudane Caydaruus Macalin Xasan, oo furay shirka ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada xasillinta iyo dib-u-soo-kabashada.

Wasaaraddu waxay adkeynaysaa muhiimadda wada shaqeynta iyo isku-duwidda dadaallada xasillinta si loo xaqiijiyo nabad, xasillooni iyo horumar u horseeda nolol ka wanaagsan bulshada Soomaaliyeed.