Wasiir Cali Xoosh Oo Furay Kulanka Sanadeedka 3-aad Ee Guddiga Hagidda Dad-dhigista

Muqdisho 17 May 2025; Guddoomiyaha Guddiga Hagidda Dad dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Sanadeedka Guddiga Hagidda Dad-dhigista Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga.

Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay Kulanka ayaa hoosta ka xariiqay shaqada u qabsoontay guddiga, wuxuuna yiri” Muddada uu Guddigaani shaqaynayay, waxaa horumar fiican laga gaaray dejinta siyaasadaha, sharciyada, istiraatijiyadda iyo qorshooyinka lagu maamulayo adeegga dad-dhigista kuwaa oo badankooda uu ansixiyay Guddigaan. Sidoo kale, Guddigaani wuxuu ku guulaystay inuu hirgeliyo adeeg dhijitaal ah oo si midaysan loogu bixinayo adeegyada dhalashada iyo dhimashada kaasi oo wejigiisa kowaad laga hirgeliyay 19 degmo oo ku kala yaalla dawlad goboleedyada dalka”.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa ka hadlay dedaalka uu guddiga ku bixiyay karaanka iyo tayada howlwadeennada Hay’adaha, wuxuuna yiri “ Dhinaca kale, waxaa in la xuso mudan Guddigu dadaal farabadan ku bixiyay dhisidda karraanka hay’adaha iyo hawlwadeennada kala duwan ee u xilsaaran adeegga dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah. Waxaa tababaro dibadda iyo gudaha ah la siiyay hawlwadeennada ka kala socday Dawladda Federaalka, dawlad goboleedyada iyo dowladaha hoose. Bixinta tababaradaasi waxaa garab-socday qalabaynta dawladaha hoose kuwaa oo la gacangeliyay agabyo xafiis si xilkooda ugu gutaan uguna adeegaan shacabka Soomaaliyeed”.