Tababarka Maareynta Khilaafaadka

Muqdisho 17 May 2025; Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta, waxay manta daah furtay tababarka tabarayaasha ee Hogaaminta, maareynta khilaafyada iyo dhiirigalinta ka- qaybgalka haweenka ee dowladaha hoose.

Tababarka oo socon doona todobaad 17-22 May waxaa kasoo qeyb galay xubna wakiilo ka ah dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir. Muhiimadda kulanka waa tayeynta iyo sare u qaadidda goloyaasha deegaanka iyo dowladaha hoose si loo dardar galiyo adeegyada arrimaha bulshada iyo horumarinta degmooyinka dalka.

Kulanka waxaa soo qaban qaabiyay machadka qaran ee dowladaha hoose ee wasaaradda arrimaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta.

Waxaa kulan daah furay Agasimaha guud ee wasaaradda Mudane Caydaruus Macalin Xasan iyadoo qeyb ka ahaayeen agaasimaha dowladaha hoose mudane Yaxye Cumar iyo agaasimaha Machadka qaran ee dowlahada hoose mudane Axmed Cumar, howl wadeeno wasaaradda iyo khubaro Soomaaliyeed oo tabarbarka bixinaya.