- May 13, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 13 May 2025; Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa soo xiray Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah oo magaalada Muqdisho ka socday muddo seddex maalin ah.
Wasiir Ashkir oo ka hadlay kulanka ayaa bidhaamiyay ahmiyadda Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo howlaha ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan doorkooda wax ku oolka ah ee dhanka dib-u-heshiisiinta, gargaarka, waxbarashada, caafimaadka, xuquuqul Insaanka iyo guud ahaan Dowlad Dhiska Soomaaliya.
Dhanka kale, qaar ka mid ah Xubnaha Ururrada Bulshada Rayidka ah oo ka hadlay gabagabada kulanka ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay muhiimka u tahay iskaashiga Dowladda iyo Ururrada Bulshada Rayidka si loo xoojiyo Dowladnimada.
Ugu Dambayn, Kulanka oo u jeedkiisu ahaa Wadashaqeynta & Isku tashiga Bulshada Rayidka ah iyo Dowladda ee ku aaddan xal u helidda gaabiska ku yimid deeqaha caalamiga ah oo ay Soomaaliya heli jirtay ayaa waxaa ka qaybgalaya Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo heerarka kala Hay’adaha Dowladda.