Wasiir Cali Xoosh Oo Guddoomiyay Kulanka Howlaha Wasaaradda

Muqdisho 04 May 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa la kulmay Guddi Farsamo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud uuna u magacaabay, una xilsaaran Jaangoynta Qab-dhismeedka Wasaaradda iyo guud ahaan Dib u habeynta shaqaalaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Xoosh ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay dowladnimada u leedahay Dib u habeynta shaqada iyo shaqaalaha, Jaangoqynta howlaha iyo dhiirigelintooda, taasi oo la jaanqaadeysa aragtida Xukuumadda Federaalka ah ee Qorshaha Isbadalka Qaran, isaga oo adkeeyey in arrintaan ay kor u qaadi doonto hufnaanta shaqada iyo shaqaalaha.