- April 16, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 16 April 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Guddoomiyay Kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Xallinta Soomaaliya SSF oo ka qabsoomay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Kulanka oo kulmiyey hey’ado kala duwan oo dowladda ah ayaa ujeedkiisu ahaa in dib u eegis lagu sameeyo guulaha laga gaaray mashruuca iyo hiigsiga
Wasiirka Cali Xoosh oo ka hadlay kulanka ayaa bidhaamiyay howlaha Wasaaradda ee la xiriira arrimahaan iyo wadashaqaynta, isagoo yiri” Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS waxaa hortabin u leh howlaha Xasillinta dalka, Dib u heshiisiinta iyo Dowladaha Hoose, waxaana naga go’an in aan kala shaqeyno Sanduuqa SSF is afgaradka howshaan la xiriirta.