- April 11, 2025
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Kulamada, Waqooyi Bari, Wararka
No Comments

Muqdisho 04 April 20225; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali ( Xoosh) ayaa gaaray magaalada Laascaanood isaga oo qeyb ka ah wafdiga dowladda Federaalka ah ee socdaalka shaqo ee Nabadda iyo Midnimada ku tagay SSC-Khaatumo.
Socdaalkaan oo maalmo qaadana ayaa xoojinaya midnimada dalka iyada oo lagu wado in wafdiga dowladda ay la kulmaan maamulka iyo qeybaha bulshada isla markaana la daahfuro mashaariic horumarineed.






