- April 6, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 06 April 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa guddoomiyay kulan uu la yeeshay mas’uuliyiinta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed(SODMA), Hay’adda Aqoonsiga Iyo Diiwaangalinta Dadwaynaha(NIRA) iyo Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka(NCRI).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha, xoojinta wadashaqaynta iyo iskaashiga iyadoo la tixgalinaayo hortabinnada sharciyeed ee Hay’adaha iyo hubinta in muwaadiniinta Soomaaliyeed la gaarsiiyo adeeg hufan oo waxtar u leh.
Mudane Wasiir Cali Xoosh ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay mideynta dedaallada wadajirka si loo gaaro yoolasha Qorshaha Isbadalka Qaranka iyo ballanqaadyada 2025-ka iyadoo la xoojinayo awdoodsiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS iyo taageerida ay siinayso Hay’adaha hoostaga.