- March 20, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 20 Mar 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa Guddoomiyay Kulanka fulinta Qorshaha iyo Ballanqaadyada Wasaarada ee 2025-ka
Agaasimayaasha waaxyaha iyo la-taliyaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta JFS ayaa soo bandhigay qaabka fulineed ee qorshaha waaxyaha kala duwan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Xoosh oo kulanka ka hadlay ayaa faray dardargalinta shaqooyinka ee loo asteeyay waaxyaha Wasaaradda iyo isaga oo adkeeyey daadejinta howlaha, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.