Wasiirka Cali Xoosh Oo Guddoomiyay Kulanka Dardargalinta Aqoonsiga Qaranka

Muqdisho 19 Mar 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa guddoomiyay Kulan farsamo oo looga arrinsaday dardargalinta dedaallada socda ee Aqoonsiga Qaranka iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

Maareeyaha Hay’adda NIRA Mudane Cabdiwali Timacadde ayaa soo jeediyay warbixin ku saabsan shaqada wax ku oolka ah oo ay Hay’adda NIRA qabatay iyo xarumaha NIRA ee laga hirgaliyay qaybo ka mid ah Gobollada Dalka.

Xildhibaan Cali Yuusuf (Xoosh) Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS ayaa bogaadiyay waxqabadka hey’adda NIRA iyo sida shaqada diiwaangelinta ku socoto, waxaa uuna adkeeyey in la dardargeliyo howlaha muhiimka ah, lagana gaarsiiyo adeegga dhammaan degmooyinka dalka.