- March 19, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 19 Mar 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda ee degmada Boondheere halkaas uu dib u dhis ka socdo.
Injineerrada ka shaqaynaya dhismaha Wasaaradda ayaa ka warbixiyey heerka shaqada iyo inta dhiman Dhankiisa,
Wasiir Cali Xoosh ayaa faray in la dardargaliyo howsha dhismaha si ay dhawaan ugu howlgasho Wasaaradda, isla maarkana loogu adeego qaranka.