Wasiir Cali Xoosh Oo La Kulmay Midowga Culimada Soomaaliyeed

Muqdisho 18 Mar 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xafiiskiisa kula kulmay midowga Culima’udiinka Soomaaliyeed.

Arrimaha laga hadlay waxaa ka mid ahaa; kaalinta culimada Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan; Dib u heshiisiinta, la dagaalanka Khawaarijta, wacyigelinta Doorashada qof iyo cod iyo arrimo kale.

Waxaa kale oo la isla qaatay qabashada shirweyne qaran oo arrimaha badan loo hadlo.