Wasiir Cali Xoosh Oo Afur U Sameeyay Saaxibada Caalamiga Ee Soomaaliya

Muqdisho 18 Mar 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Afur Wadareed a Sameeyay saaxibada Caalamiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS kala shaqeeya arrimaha Dowlad Dhiska, Xasilinta, Dowlaha Hoose, Dib-u-heshiisiinta, Dad-dhigidda iyo Dimuqraadiyadeynta.

Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay Munaasabadda ayaa yiri” Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa safiiradda, wakiillada beesha caalamka, iyo dhammaan hay’adaha naga taageera dowlad-dhiska, nabadeynta, gargaarka, horumarinta, iyo adeeg-bixinta bulshada Soomaaliyeed. Mar kasta, waxaan idinkaga mahadcelineynaa garab istaaggiinna joogtada ahaa iyo doorkiinna muhiimka ah ee dib u dhiska Soomaaliya.”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah madaxda kasoo qaybgashay Munaasabadda Afur wadareedka uu Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS u sameeyay saaxibada caalamiga ah ayaa bogaadiyay howlaha muhiimka ah oo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha u hayso Ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay saaxibada caalamiga ah taageerada iyo wadashaqeynta joogtada ah oo ay la leeyihiin Soomaaliya.

Safiirada dalalka kala ah Norway, Finland, Djibuuti, Ingiriiska, UN-ka, Diplomaasiyiiin iyo madax kale ayaa kasoo qaybgalay Munaasabadda.