Wasiir Cali Xoosh Oo Qaabilay Isu Duwaha Gargaarka QM Ee Soomaaliya

Muqdisho 11 March 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa la kulmay Iskuduwaha Howlaha Banii’aadnimada ee Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya George Conway iyada oo laga hadlay Xalkawaara, Nabad-dhiska, Xasilinta, Dib u heshiisiinta iyo arrimo kale.

Labada dhinac ayaa adkeeyey ahmiyadda wada shaqeynta saamileyda ee howlaha Banii’aadnimada iyo horumarinta bulshada ee dhaqan-dhaqaale.

Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa carrabka ku adkeeyey sida dowladda Soomaaliya ay uga go’antahay xoojinta isku duwidda howlaha Banii’aadnimada, sidii xalwaara loogu heli lahaa dadka Barakaca ah iyo dhiirigelinta Nabad-dhiska.