- March 12, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 12 Mar 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si rasmi ah u furay Aqoonsiga Qaxootiga iyo Magan-gelyo Doonka ka dib Munaasbad ka dhacday Xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barkacayaasha Qaranka Soomaaliyeed, iyaduu Wasiirka uu qaar ka mid ah Qaxootiga Guddoonsiiyay Kaararkooda Aqoonsiga.
Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay oo munaasabadda ayaa sheegay xuquuqda Qaxootiga iyo Magan-gelyo Doonka isagoo yiri” xeerka Qaxootiga iyo Magan-gelyo Doonka wuxuu xaq u siinayaa in ay dalkeenna ku noolaadaan islamarkaana ka shaqaystaan Qaxootiga, iyagoo ilaalinaya xeerarka iyo dhaqanka dalkeenna u dagsan isla-markaana ka shaqaynaya Nabad-galyada iyo ammaaanka.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed Mudane Axmed Xuseen Cilmi oo khudbad ka jeediyay Munaasabadda Daahfurka Aqoonsiga Qaxootiga iyo Magan-gelyo Doonka ayaa sharxay Aqoonsiga Qaxootiga.
Guddoomiye Axmed ayaa yiri”Aqoonsigu waa astaanta iyo heybta qofka shaqsi ahaan loogu aqoonsan karo in uu yahay Hebel ama Heblaayo sababtoo ah waxaa is waafaqaya Muuqaalka qofka, Magaca iyo Masawirka intaba, Waana cadeynta cadeyn karta qof, isla markaana sugi karta sax ahaanshaha sheegashada shaqsigaas”.