- March 9, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 09 Mar 2025; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan xogwareysi ah la qaatay Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara marwo Sahra Cabdi Maxamed iyo Agaasime Kuxigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara mudane Dr. Cabdullahi Zaahid.
Kulanka ayaa xoogga lagu saaray sidii xalwaara loogu heli lahaa Barakaca iyada oo uu Wasiirku adkeeyey sida dowladda Soomaaliyeed uga go’antahay in isbadal wanaagsan oo waara loo sameeyo nolosha dadka nugul sida Barakacayaasha isaga oo hoggaanka cusub kula dardaarmay dardargelinta hiigsigaasi.