- March 8, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 08 Mar 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa munaasabadda Maalinta Haweenka Soomaaliyeed ee 8 Maarso awgeed waxaa uu xarunta Wasaaradda kulan gaar ah kula yeeshay Gabdhaha Wasaaradda.
Wasiir Cali Xoosh ayaa bogaadiyey kaalinta ay ka qaataan horumarka bulshada iyo dowladnimada, isaga oo dul istaagay Sooyaalkooda, howlaha baaxadda leh ee ay ka qabtaan waaxyaha kala duwan, sida ay hormuudka ugu yihiin fulinta hortabinnada iyo kartida ay u leeyihiin howlgudashada, waxaa uuna ku dhiirigeliyey in ay sii labo-jibaaraan shaqooyinka ku dayashada mudan ayna mar weliba tusaale wanaagsan ahaadaan.
Ugu dambeyntii, Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Wasaaradda waxuu dhageystay hiigsigooda, isaga oo ballanqaaday in Wasaaradda ay ka shaqeyneyso awoodsiinta gabdhaha, dhiirigelintooda iyo kajawaabista baahiyaha ay qabaan.