Kulanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS

Muqdisho 04 Mar 2025: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Caydaruus Macallin Xasan ayaa guddoomiyey shirka guud ee Agaasime Waaxeedyada iyo Lataliyeyaasha Wasaaradda.

Shirkan ayaa inta badan diiradda lagu saaraa isla xisaabtanka, daadejinta howlaha iyo bandhigga heerka fulinta halbeegyada iyo ballamaha Wasaaradda.