- February 26, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 25-26; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa caasimadda Muqdisho kusoo xirtay kulan labo maalin socday ee Ansixinta Buugga Hannaanka Adeeg Bixinta Baahsan ee Dowladaha Hoose kaasoo dib-u-eegis lagu sameeyay.
Kulanka waxaa kasoo qayb galay dhammaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada Jubaland, Koonfur-Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle.
Hey’adaha kala duwan ayaa waxay si qotodheer u lafa-gureen hannaankan iyadoo lagu salaynaayo wixii shaqeeyay iyo wixii aan shaqayn intii uu shaqaynaanan hannaankan.