Kulanka Guddi Howleedka Xiriirka Xasilinta

Muqdisho 25 Feb 2025; Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa Guddooomiyay Kulanka billaha ah ee Guddi Howleedka Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasillinta oo ka dhacay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay dhammaan agaasimayaasha waaxyaha xiriirka ee wasaaradaha iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha xasilinta iyada oo ugu horeyn guddoomiyaha guddiga mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye uu ka warbixiyay sooyaalka, baaxadda howlaha guddiga iyo hiigsiga waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlaha Amniga, booliiska ee xasliinta iyo waxqabadka guddiga mudadii uu jiray.

S/Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyay howlaha guddiga, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha xasilinta iyo wacyigelinta deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta gaar ahaan dedaallada ay wadaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isaga oo xusay in si gaar ah ay Talisku u dhiirigelinayaan ciidanka jooga furimaha, taliyaha ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay xubnaha guddiga in ay xafiisyadooda warbaahineed yeeshaan qorshayaal mideysan oo loogu adeegayo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.